Munaasabad maqaamkeedu sareeyo ayaa maanta ka qabsonty Hoolka dugsiga sare ee Cumar Binu khadaab Borama, waxaana ka soo qayb galay maamulka, macallimiinta ardayda iyo marti sharaf kale oo uu ka mid ahaa Gudoomiyaha xafiiska Hema Books Ee G/awdal Maxamed Cumar Cali.
Munaasabadan ayaa ahayd mud abaal marino & shahaadooyin lagu gudoonsiinayay ardadii ku guulaysatay tartanadii quranka iyo kuwii kale ee aqoonta maadiga ah ee ka socday dugsigaas.
Sidoo kale waxaa xusid mudan shirkada Hema Books iyo tukaanka weyn ee Galad Borama ay ka qayb qaateen dhiiri galinta ardaydaas dhinaca abaal marinta.
Dhanka kale waxaa maamulka dugsigu uu shahaado sharaf ku maamusay macallimiintii gundhiga u ahaa qabsoomida tartanka iyo socoshadiisiiba.
Kuwaas oo kala ahaa Jimcaale, Abokor iyo Eng. Maxamed.









