Maamulka sare ee Jaamacadda Caafimaadka ee Horn International University qaybteeda Somaliland ee GobolkA Awdal ayaa maanta booqasho shaqo ku yimid Dugsiga Sare ee Cumar Binu khadaab Borama, waxa ayna kullan muhiim ah la qaateen maamulka Guud ee Dugsiga, kaas oo dulucdiisu ahaa sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinaca waxbarashada ardayda Baxaysa iyo kuwa wali Jooga Dugsiga iyo sidii loogu tababari lahaa ardayda qaybaha caafimaadka Muhiimka ah.Kullankan oo qaatay mudo dheer ayaa ku soo dhamaaday jawi degen oo is afgarad ah.