Ciyaar aad u xiisa badan ayaa shalay galab dhex martay fasalada Form 4A Iyo Form 2C ee Dudsiga sare ee Cumar Binu khadaab taas oo ahayd Afar dhamadka koobka kubada cagta ee ka socda dugsiga Sare ee Cumar Binu khadaab, ciyaartaasina waxa ay ku soo dhamaatay guushuna ku raacday fasalka 2C oo ku badiyay 3 _2. Waxaana si rasmiya koob danbeedka ciyaarahan u gudbay Fasalka Form 2C.